Wax ka baro Galdogob, Mudug, Somalia

Waayo Galdogob. ?

Taariikh kooban ee degmada Galdogob.

Galdogob Waxa ay dhacdaa Galbeedka Gobolka mudug, Waxa ay degmadu xuduud la leedahay Bariga Ethiopia, iyadoo u jirta masaafo dhan 6Km dhanka Koonfur bari.

Marka laga hadlayo da’da iyo sooyaalka Degmada Galdogob waxaa  lagu qiyaasaa xiliyadii ugu horaysay ee la dagay in ay ahayd xilliyadii xornimo-doonka, khaasatan  sannadihii u dhaxeeyey  1955-1960.

Degmada Galdogob oo ah degmada Labaad ee Gobolka Mudug , waxaa loo aqoonsaday degmo xilligii dawladdii dhexe ee kacaanka, sannadku markuu ahaa 1978.  Degmadu Waxa ay soo martay heerar iyo waqtiyo kala duwan tan iyo xiligii dawlada kacaanka . Nasiib darro, Degmadu waxa ay ahayd goobihii ugu waawaynaa ee ay ka dheceen dagaalladii u dhaxeeyey dawladdii Soomaaliya iyo sidoo kale dawlada Ethiopia, taasi oo sababtay in degmadu dib-udhac baahsan u gaysateen dagaaladaasi.

Magaca Galdogob ayaa lagu fasiraa isu-geynta laba eray oo kala ah GAL- IYO DOGOB , micneheeduna yahay Gal oo ah meelaha biyuhu galaan ama laaska , oo ah goobo galdogob ay caan ku tahay khaasatan Balliyada Xariir, iyo DOGOB oo ah Jirridda qolofta geed ka baxa agagaarka Degmada .!

Degmada Galdogob oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu koboca dheereeya Soomaaliya, xag dhisme iyo xag bulsho ahaanba, ayaa lagu qiyaasaa in ay ku noolyihiin magaalada iyo hareeraheeda dad kor u dhaafaya 250 oo kun (Qiyaas).
DEEGAANADA IYO TUULOOYINKA HOOS YIMAADA DEGMADA .

Degmada Galdogob Waxaa hoos yimaada deegaano tira badan oo kor u dhaafaya 40 Tuulo ayna kamid yihiin magaalooyinka  -Qansaxle, Tuurdibi, Darusalam, Isqanbuuls, Jeexo, Riig-oomane -Bursaalax, Saaxo-qurun, Nugaal-gibin, Xerojaale, Beyra, Laan-madaw, Dalsan, Teerage,Qod-gaashaan iyo sidoo kale dhanka Dawlad goboleedka Soomaalida Ethiopia oo magaalada ku xiran dhinac dhaqan iyo dhaqaalaba , Sida Bookh, Godorwahis, Dhudub, Caliyalo, Tuurdibi(ethiopia), Maajoor,Maaneed, Dhagafur iyo magaalooyin kale .

MAAMULKA DEGMADA .

Degmada Galdogob waqtigan la joogo waxaa ka jira Maamul u dhamaystiran dhamaan shuruudihii maamul ee gole deegaan iyo gudoomiyeba iyo hayadihii kale . Maamulka Degmada ayaa ah mid hoos yimaada Maamulka Puntland , Waqtigan la joogo Gudoomiyaha degmada Waxaa ah Gudoomiye Abdikadir Khalif Hashi(2020).

Galdogob2020
GALDOGOB-2020
Galdogob , Somalia .
Galdogob 2013

Galdogob iyo Maanta.

Sannadihii ugu danbeeyey Galdogob waxa ay ka mid noqotay magaalooyinka Soomaaliyeed ee horumar ballaaran ka sameeyey dhinacyada kala duwan ee aasaaska u ah dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Magaalada Galdogob ayaa leh adeegyada  bulshda ee aasaasiga ah  oo hagaagsan, magaaladu waxaa ay leedahay koronto joogto ah iyo biyo aan kala go,o lahayn sidoo kale adeegyada warbaahineed iyo isgaarsiineed ayaa ah kuwo u dhamaystiran magaalada.

Magalada Galdogob waxaa ay ka mid tahay, ahaanna jirtay magaalooyinka ugu nabada badan Soomaaliya, dadka daga magaalada oo ka kooban qabaa’ilo kala duwan ayaa ah kuwo si wada jira oga shaqeeyay nabadda, taasi oo  ay ku naaloonayso  galdogob.

Hagar la’aanta jaaliyadaha reer Galdogob ee ku nool dibadaha ayaa xawaare aad u xoogan gashay horumarka dhinacyada kala gadisan ee magaalada. Inkasta oo ay galdogob ku guulaysatay horumarka xaga dhismaha,dhaqaalaha , baaxada ,adeega bulshada iyo ganacsiga fudud hadana waxay si buuxda ugu guuldaraysatay hanaan siyaasad oo aan isbedelin.

Degmada galdogob waxa ay horumar ka samaysay dhinacyada Waxbarashada, Nadaafada, Isgaarsiinta , Biyaha iyo sidoo kale Wadooyinka. Horumarka Waxbarasho .

Degmadu waxa ay leedahay Dugsiyo sare kuwaasi oo gaaraya 4 dugsi sare , sidoo kale waxa ay degmadu leedahay Macaahid sare kuwaasi oo isugu jira kuwo diini iyo sidoo kale kuwo Maadi ama luqado ah . Dugsiyada sare ee Galdogob Secondary school iyo Einshams Secondry ayaa ah Dugsiyada sare ee ugu caansan degmada, kuwaasi oo ay ka baxaan cadadka ugu tirada badan ee ka qalinjabiya degmada. Degmadu waxa ay sidoo kale Guul ka gaartay dhinaca Tacliinta sare ee jaamacadeed, iyada oo degmadu leedahay 2 jaamacadood , kuwaasi oo ka kooban kuliyado kala duwan sida Bussiness adminstration, economics, languages, Sharica iyo sidoo kale Saxaafada. Horumarka Biyaha iyo Nadaafada. Degmada Galdogob waxa kamid tahay degmooyinka horumar ka gaaray adeegyada biyaha nadiifka ah , degmadu waxa ay leedahay warshad soo saarta biyaha nadiifka ah ee la cabo ..sidoo kale tan iyo 2004tii degmadu waxa ay lahayd biyo-galin ku baahsan dhamaan xaafadaha degmada. Degmada waxaa ku yaal 6ceel biyood, kuwaasi oo ay qaarna ay ku deeqaan biyo galinta magaalada , iyadoo inta kale ay aad uga faaidaystaan xoola dhaqatadu, iyadoo looga soo aroooro dhamaan deeganada hoos yimaada magaalada iyo sidoo kale deegano badan oo ka tirsan Kililka shanaad ee ethiopia. Horumarka Dhanka Adeegyada kale ee bulsho ayaa degmadu iyada oo la jaanqaadaysa caalamka  waxaa kahirgalay dhamaan adeegyada horumarineed sida isgaarsiinta iyo warbaahinta iyo sidoo kale internetka. Degmadu waxa ay leedahay goobo internet oo daboola baahida internet iyo copy ee magaalada , sidoo kale wireless iyo adeega internetka Golis ee mobilada ayaa ah mid ay isticmaalaan dadweynuhu si lamid ah deegaanada kale ee puntland iyo soomaaliyaba.

Shirkadaha isgaarsiinta Golis,Somtel,Dahabshil, Orbit ,Nation ayaa ah shirkadaha inta badan magaalada ka haqabtira dhinaca Isgaarsiinta, Sidoo kale shirkadda Nepco ayaa ah shirkadda daboosha Adeegga koronto ee Magaalada . Shirkadaha Xawaaladeed ayaa qayb wayn ka gaysta horumarka deegaanka , waxaana xusid mudan shirkadda Tawakal oo Magaallada ka dhistay mid ka mid ah Towerada ugu dheer magaalada oo ah 4 dabakh ,lahaan doonanna adeegyada bulsho sida hoolal shirar, Goobo ganacsi ,iyo adeegyada kale ee bulsho . Idaacadaha iyo Warbaahinta qaybeheeda kala duwan ayaa udhamaystiran degmada iyada oo Magaalada ay ku yaalaan Saddex idaacadood , iyo sidoo kale Xafiisyada Telefishinada Soomaalida oo dhan.Galdogob, Dhismaha xawalada Tawakal Goldogob

Galdogob, Mudug,Somalia

WAXYAALAHA AY AMAANTA KU MUTEEN REER GALDOGOB.

Waxaa jira waxyaalo xusid mudan oo ay reer galdogob ammaan ku muteen oo ay kamid ah tahay isku duubnida , iyo ka tashiga dantooda khaasatan danta guud, waxaa lagu xasuustaa bulshada galdogob oo MALAAYIIN DOLLAR ku baxshay Samaynta iyo dayactirka Wadada isku xirta Galdogob iyo Galkio oo dhan Masaafo 75 kilometer ah ..Nasiiib wanaag Bulshadda oo aan dawlad iyo deeq shisheeya la kaashan waxa ay ku guulaysteen Dhamaystirka intii ugu badnayd ee wadada , iyada oo inta dhimanna lagu rajo wayn yahay in la dhamaystiro waqtiyada dhaw.!

563123_239117706239777_1195819280_n

HIIGSIGA IYO HIMILOOYINKA REER GALDOGOB .

Galdogob ayaa hiigsanaysa Dhamaan Qaybaha Horumar ee ay u baahi qabto , sidoo kale Dadwaynaha Galdogob ayaa ku hanwayn sidi degmadu u kasban lahayd in loo Magacaabo gobol ,maadama ay buuxisay shuruudaha aasasiga ah ee GOBOL.

Galdogob ayaa rajaynaysa in ay dhaqaale iyo horumar wanagsan ka dhaxasho KASTAMKA curdinka ah ee Tuurdibi , kaasi oo shaqa geli doona waqtiyada dhaw, kana dhigi doona Magaalada mid leh dekkad qalalan , lagu kala wareejiyo badeecadaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sidoo kale Dadka deegaanka Degmada Galdogob ayaa ku taamaya hirgelinta Garoonka diyaaradaha degmada oo noqon doona mid ay ku intifaacsan doonaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka mudug iyo deegaannada balaaran ee Gobolka Doolo ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dhismaha Garoonnka diyaaradaha Galdogob waxa uu u muhiimad gaar ah u yeelan doonaa degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada maadama degmadu kamid tahay meelaha GAARI-WAAGA AH oo  dadwaynuhu safar dhibaato badan ah ku qabaan waddada dheer ee isku xirta Gaalkacayo iyo Galdogob, iyada oo Hay’ado iyo deeq bixiyaal tira badan ay ka gaabsadaan imaatinka degmada maadaama jidka loo maro uu yahan mid aan hagaagsanayn.

Degmada oo garoon diyaaradeed yeelata waxa ay sahli doontaa isu socodka dadka iyo ganacsiga, imaatinka hay’adaha dawladeed,kuwa  horumarineed iyo deeqbixayayaasha caalamka.

Galdogobnight viewGALDOGOB2GALDOGOBGaldogob2020

Galdogob, Dhismaha xawalada Tawakal Goldogob
Galdogob, Mudug,Somalia
Sawir Galdogob ,Goldogob Somalia
Galdogob , Goldogob

Galdogob

Galdogob City ,Quruxda Galdogob
Galdogob

Galdogob ,Bilicda Galdogob

*** Xigasho -Sawiro (sawiradan waxay isugu jiraan kuwo aan anigu qaaday iyo sidoo kale kuwo aan kasoo xigtay dhalinyaro kala duwan oo degmada ku sugan., waan ka cudurdaaran inaanan hal-hal u xusi karin dhalinyarada qaaday ).

****Qoraalkan waxaa la qoray 2016, waxaana isbedel dhanka sawirrada ah lagu sameeyey 2020.

W/Q – Qaasim Abdisalaam Yuusuf.(Samakaab).

Email – Qaasin2009@gmail.com

4 thoughts on “Wax ka baro Galdogob, Mudug, Somalia

  1. masha allah, waa taariikh cajiib ah oo si cajiib ah loosoo qoray, waxaa mahad iska leh allihii suurtagashay jiritaankeena iyo ku noolaanshaha Degmadaan quruxda badan,
    waxaan halkaan oga mahad celinayaa kuna faanayaa Shaksi igu qaali ah, shaksigaas oo ah qofka qoray Taariikhdaan aan laga caajisayn in qofku akhriyo, quruxda badan, habaysan, Waa Qaasim Cabdisalaan Yuusuf…
    thank you Mr Kaas!m!

    Liked by 1 person

  2. Mashallaah waaa Warbixin dhinac walba ka tifaftiran !! Masuul Qaasim Waxaa tahay Wadani Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisaba jecel! Waad ku mahadsabthy sidoo kale inaad degmadaada wax ka qorto! Wax badan oo aanan Galdogob ka aqoon ayaan faaiiday ,Waanan booqan doonaa inshalaaah .

    Liked by 1 person

  3. masha allah ilaahey haa u siyaadiyo Galdogob quruxdeed waxaana u rajeyneyaa guul iyo horumar intas kasii badan iyo barwaaqo.Nabad baa horumar lagu gaara aad ban ugu faraxsanahay horumarka nabadeed ee ka jira degmada Galdogob anuu ku hadleyaa magaca jaaliyada Puntland oo u dhalatey gobolka Mudug.

    Like

Leave a comment